Arag sawir qosol badan oo laga sameeyay arrin yaab leh oo uu Muungaab ka billaabay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Sawirkaani ayaa cadeyn looga dhigay qaabka uu Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Mungaab ugu xuub siibanaayo xoojinta dhaca iyo boobka ee uu ku hayo Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho.

Qoraalada la duldhigay Sawir gacmeedka laga sameeyay Mungaab ayaa ka turjumaaya hadal heynta ugu badan ee xiligaani ka taagan Magaalada Muqdisho taasi oo ah canshuur bixin uu Mungaab maankiisa kasoo maagay iyo dadka shacabka oo aan awoodin helida qutulyoomkooda.

Inta badan dadka ku nool magaalada Muqdisho ayaa aaminsan in Gudoomiye Mungaab uu dhac bareer cad u geysanaayo shacabka ku dhaqan Muqdisho hayeeshee Madaxweyne Xassan iyo Ra’isul wasaare Cumar ay iyaguna goos danbeedka ka qoslayaan.
MAANGAAB55 copy