Shaki la galiyay doorasho ka dhacda Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ay DF Somalia xal ka gaartay Mooshinkii dhowrka bil qaatay ayaa waxaa hadana shaki la galiyay doorasho xalaal ah oo ka dhacda Somalia.

Siyaasi Max’ed Max’uud Nuur oo kamid ah Siyaasiyiinta sida xoogan uga hadla Siyaasada Somalia ayaa sheegay in qaabka ay hadda DF Somalia wax u wado aan lagu gaari karin doorasho dalka ka dhacda.

Max’ed Max’uud waxa uu shaki galiyay in Dowlada Madaxweyne Xassan Sheekh ay qabato doorasho, waxa uuna tilmaamay in doorashada ay ku xiran tahay hadba sida loo xaliyo Siyaasada kacsan ee kusoo dhex laalaabaneyso Madaxda Dowlada wuxuuna ku taliyay in wax laga bedelo arrimaha hadda taagan hadii la waayana aysan dhici doonin doorashada la filaayo inay dhacdo 2016-ka.

Siyaasiga waxa uu sheegay in ujeedka loo xaliyay mooshinka uu yahay in mudada ka harsan doorashada ay Dowladu dardar galiso wadooyinkii lagu hirgalin lahaa doorashada balse aysan muuqan dadaalkii lagu gaari lahaa doorashada.

Madaxweyne Xassan iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ayuu ugu baaqay in wakhtiga doorashada uga harsan ay la imaadan waxqabad iyo Juhdi muujinkara doorasho xalaal ah oo dhacda.

Dhanka kale, Gudoomiyaha Baarlamaanka ayuu ku dhaliilay inuu ka gaabinaayo dadaaladii suuragalin lahaa doorashada waxa uuna ku taliyay in wakhti hore laga baarandago.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com