XOG cusub oo kusoo korortay arrinta shaqaalihii la socday diyaaraddii kusoo dhacday CARBISKA

Muqdisho (Caasimada Online) – Diplomaasiyiin ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibedda Masar iyo Ergada Qunsulliyadda Masar ku leedahay magaalladda Nairobi ee dalka Kenya ayaa la sheegay inay Wada-xaajood dheer la yeesheen Madax ka tirsan Dowladda Federalka, si loo sii daayo Shaqaalihii Diyaaradda Masar ee dhowr maalmood ka hor ku burburtay duleedka Muqdisho.

Shabakadda Wararka Masar ee albawabhnews ayaa qortay in 6-dii shaqaalaha Diyaaradaasi shalay dib loogu wareejiyey Baasabooradooda, isla markaana ay ka soo ambabaxeen Garoonka Caalamiga Diyaaradaha Aden Cadde ee magaalladda Muqdisho.

Shaqaalahaasi waxay Transit ku yihiin Garoonka Caalamiga ee Jomo Kenyatta International Airport ee magaalladda Nairobi, waxaana la filayaa inay saacadaha soo socda dib ugu laabtaan dalkooda Hooyo ee Masar sida lagu shaaciyey Shabakadda albawabhnews.

Geesta kale, Baarayaal Caalami ah ayaa ayaa waxay dib u eegayaan Macluumaadka ku duuban Sanduuqa Madow ee Diyaaradda Masar ee ku burburtay duleedka magaalladda Muqdisho, si ay u darsaan cilladaha keenay Burburka Diyaaradaasi oo nooceedu ahaa Airbus 300 oo ay lahayd Shirkadaha Diyaaradaha ee Tri Star ee dalka Masar.

Xigasho albawabhnews

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com