Sawirrada shirkii qarsoodiga ee HOTEL JAZIIRA

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa wali socda shirkii qarsoodiga ahaa ee u dhexeeyay xildhibaanada Beesha Absame iyo kuwa Digil iyo Mirifle kaasi oo ka socda Hoteel Jazeera ee magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa lasoo warinayaa in wali uu yahay mid leysku mari la’ yahay waxaana jiro warar hoose oo tibaaxaya in Xildhibaanada Digil iyo Mirifle ay si cad uga biya diideen in Madaxweyne Shariif Xassan uu ula imaado xubno yar oo Beesha uga mid noqon doona Baarlamaanka Maamulkaasi.

Shirka u jeedkiisa ayaa ah in labadaasi beel lagu heshiisiiyo misna lagu qanciyo inay ka qeybqaatan dhismaha Baarlamaanka Maamulkaasi waxaana sidoo kale jira Khilaafyo gaar ah oo iyaga u dhexeeya.

Urur goboleedka IGAD iyo Dowlada Federaalka ayaa labada garab xooga ku saaraya inay adeecaan Mamaulka Koonfur Galbeed islamarkaana ay ku qancaan xubinimada kaga soo aado Baarlamaanka.

Waxa ay wali isku khilaafsan yihiin awood qaybsiga maamulka Koonfur Galbeed gaar ahaan gobolka Bakool oo ay labada Beel wada dagaan.

Lama garankaro natiijada kasoo bixi doonta, inkastoo DFS iyo IGAD ay wadaan qorsho khilaafka ka dhashay awood qeybsiga lagu xalinaayo

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
BAKOOL1

BAKOOL2

BAKOOL3

BAKOOL4