Xog: Qorshaha isku shaandheynta wasiirada DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dhanka Dowlada Somalia caado ka noqotay in sanadkiiba laba jeer isku shaandheyn lagu sameeyo Golaha wasiirada ee waqtigaasi shaqada wada.

Madaxweynaha dalka iyo R/wasaaraha ayaa aaminsan in isbedelo lagu sameeyo Wasiirada ay waxbadan kusoo biirineyso dhaqdhaqaaqa howlaha Dowlada, balse waxa ay xaqiiqdu tahay mid taasi ka fog.

Waxaa inta badan leysku bedelaa Wasiirada, waxaana dhaca in xiliyada qaar lagu soo biiriyo wasiiradaasi kuwo cusub oo aan garaneynin halka howlasha laga bilaabi lahaa iyo halka ay ku dhamaan laheyd.

Isbedel waliba oo lagu sameeyo Golaha wasiirada waxaa hoos u dhac ku imaada Howladaha Dowlada oo la rumeysan yahay in taasi ay sabab u tahay aqoon darri ama khibrad la’aan heysata Wasiirka cusub ee xilkaasi loo magacaabo.

Isbedelka wasaaradahaasi waxaa ku lumaayo Dukumiintiyo badan iyo Heshiisyo qabyo u ah Wasiirka xilka laga qaaday, waxa ayna taasi sababeysaa in dib u gurasho ay wasaaradu sameyso bacdamaa howshu ay mar waliba tahay mid qabyo ku bilaabata kuna dhamaata.

Siyaasada laga leeyahay isku shaandheynta ayaa ah in jahwareer la galiyo dalka si meesha ay uga baxdo isla xisaabtanka, waana tan kaliya ee mar waliba suuragalisa in Madaxda sare ee dalka ay lunsadaan dhaqaalaha ugu badan ee kasoo baxa dalka.

C/raxmaan Cumar oo ah Khabiir in muddo ah ka shaqeynaayay Siyaasada dalka, ayaa sheegay in shaqsi ahaantiisa uu aaminsan yahay in Isku shaandheynta ay tahay mid lagu dib dhigaayo Siyaasada Somalia si wasiirada cusub ay howlaha wasaaradaasi dib usoo bilaaban.

Waxa uu sheegay inay tahay mid lagu qalqal galinaayo Wasiirada kale si aysan u hor istaagin Siyaasada Xassan Sheekh iyo Cumar C/rashiid oo ku qotonta dhaqaale u ruursi iyo abuurista ganacsi qarsoodi ah.

Dhanka kale, waxa uu ka digay in Madaxweyne Xassan iyo Ra’isul wasaare Cumar ay isku shaandheynta dhaqan uga dhigaan umadda Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com