Maamulka cusub ee gobolka Banaadir oo fashil iyo fadeexad ay ku heysato Muqdisho (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa faraha kasii baxaaya bilicda magaalada Muqdisho, kadib markii wadooyinka magaalada ay saaxiib u noqdeen burbur aan dawo laheyn.

Wadooyinka qaar ayaa waxaa dhex fadhiya biyo iyo dhiiqo ka dhashay roobka, halka qaarkoodna ay noqdeen kuwo aysan isticmaalin gaadiidka raaxada iyo kuw BL-da.

Maamulka guud ee Gobolka Banaadir iyo kan Degmooyinka ayaa howshooda kusoo uruurtay qaadashada lacagaha canshuuraadka oo la aaminsan yahay inaysan gaarin halkii loogu tallo galay oo ah Bangiga dhexe ee dalka.

Awooda maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka shaqeysa kaliya inta u dhexeysa wadada Makka Al-mukarama oo hormarta Madaxtooyada Somalia, halka wadooyinka kale ee ka tirsan Magaalada Muqdisho aysan gaarin awoodooda, sababo la xiriira xilkasnimo la’aanta lagu soo xushay Mas’uuliyiintaasi.

Mas’uul waliba oo loo dhiibo maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxa uu dhaqan u yeeshaa ballanqaadyo hayeeshee marka uu xilkaasi la wareego waxa uu ka jiiftaa mas’uuliyadiisa.

Lama sheegi karo xiliga ay DFS gaar ahaan maamulka Gobolka Banaadir wax muuqda kusoo kordhin doonto howlaha dib loogu soo celinaayo bilicda magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com