Xog: Maxaadan ogeyn oo ka cusub Gaalkacyo?!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in magaalada ay hadda ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa Ciidamada Maamulka Galmudug iyo Puntland.

Ciidamada ayaa goordhow bilaabay dhaqdhaqaaq, waxa ayna isku hor fadhiyaan goobihii lagu dagaalamay ee Xaafada Garsoor Magaalada Gaalkacyo.

Gudaha iyo daafaha magaalada ayaa waxaa lagu arkayaa ciidamo kala taabacsan labada dhinac, taasi oo walaac hor leh ku abuurtay Bulshada deeganka, waxaana lasoo warinayaa in hadda uu bilowday barakac xoogan.

Xiisadaani ayaa soo cusboonaatay kadib markii maalinimadii shalay Odayaasha iyo Waxgaradka reer Gaalkacyo ay ku dhawaaqeen xabad joojin degdeg ah.

Dhanka kale, waxaa magaalada Gaalkacyo iminka ku sugan Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo doonaya inuu qaboojiyo xiisada colaadeed ee halkaasi ka taagan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com