Kay oo fariin kama dambeys ah u diray C/W Gaas

  • Muqdisho (Caasimada Online)-Wakiilka ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya kana tagaya xafiiska UNSOM ee Soomaaliya ayaa fariin u diray maamulka Puntland ee madaxweyne Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas.

Nickolas Kay, ayaa ugu baaqay  maamulka Puntland sii deynta wariye Jaamac Dabaraani oo u xiran maamulka Puntland muddo ka badan shan maalin, kadib markii wareysi uu ka qaaday wasiirka warfaafinta maamulkaasi loo xiray wariyaha.

Isaga oo ka qeyb galayay shir ay kasoo qeyb galeen wasiirada warfaafinta maamul goboleedyada, agaasimayaasha Idaacadaha dalka qaarkood, wasaarada warfaafinta xukuumada Soomaaliya iyo ururada u dooda xuquuqda saxafiyiinta u diray fariinta maamulka Puntland.

Nicholas Kay ayaa ugu baaqay  Maamul Goboleedka Soomaaliyeed Ee Puntland in Deg Deg loo siidaayo wariye Jaamac Dabaraani oo Maalintii Lixaad ku xiran Xabsi ku yaalla Magaalada Garoowe.

“Maamulka Puntland waxaan si Xushmad leh uga Codsanayaa in ay siidaayaan Wariyaha u xiran oo ay Ilaaliyaan Xoriyadda hadalka,waxaan mar kale leeyahay Madaxda Puntland Deg deg ha loo siidaayo Wariye Jaamac Dabaraani”ayuu yiri N.Kay.

Wariye Jaamac Dabaraani ayaa lagu xiray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland,iyadoo Wasaaradda Warfaafinta Puntland ay sheegtay in Maxkamad la saari doono.

 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com