Sawirro: Turkiga oo soo riday diyaarad Ruush ah

Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada cirka dowlada Turkiga ayaa dhulka soo dhigay diyaarad nooca basaaska ah oo ay laheyd Dowlada Russia.

Diyaarada dhulka lasoo dhigay ayaa waxaa nooceeda lagu sheegay Su-24, waxaana lagu soo riday xadka dalalka Syria iyo Turkiga u dhaxeeya.

Turkiga ayaa sheegtay in sababta diyaaradaasi loo soo riday ay tahay kadib markii ay xadgudub kusoo sameysay xadka dalka Turkiga.

Dowlada Russia ayaa beenisay xadgudubka ay Hawada Turkiga kusoo sameysay, waxa ayna Russia sheegtay in hawada Turkiga ay dhinac ka mareysay balse iyada xadgudub lagu soo sameeyay.

Wakaaladaha caalamka ayaa soo bandhigay Diyaarada Russia laga soo riday oo ololeyso islamarkaana sii dhaceysa kadib markii Hubka lidka diyaaradaha loo adeegsaday.

Diyaarada lasoo riday ayaa waxaa si nabadgalyo ah uga soo badbaaday labadii duuliye ee kaxeynaysay diyaaradda.
Tur1

Tur2

Tur3

Tur4

Tur5

Tur6

Tur7