Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia ayaa ka hadlay goorta ay qorsheynayaan in ciidamada Ethiopia ka baxaan dalka Soomaaliya, maadaama haatan ay kamid yihiin howlgalka ciidamada AMISOM ee ka socdo Soomaaliya tan iyo sanadkii 2011.
Hailemariam Desalegn ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia oo saxaafada kula hadlay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa sharuud adag ku xiray iney ciidamadooda ka baxaan gudaha dalka Soomaaliya.
Wuxuu si cad u sheegay in ka bixitaankooda dalka Soomaaliya ay ku xiran tahay sida dalka Soomaaliya ay kaga hirgeliyaan dowlad awood leh oo hanata amaanka guud ahaan ee dalka Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.
Ra’iisul wasaaraha ayaa tlmaamay in qorshaha sanadkan ee 2016 tahay in dalka Doorasho ka dhacdo wallow aan la gaari Karin sida qorshaha uu ahaa, sida uu hadalka u dhigay Hailemariam.
“Waxay ku xiran tahay inaan kasoo baxno Soomaaliya inaan hergelinaa dowlad awood badan leh oo hanataa amaanka dalka, oo wax walbaa awood u yeelata, kadib waan hubaa qeyb qeyb ayaan kaga soo baxeynaa Soomaaliya”ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Ethiopia.
Dhinaca kale guulaha ay gaartay dowlada Soomaaliya ayuu ku sheegay iney tahay dhismaha maamul goboleedyada laga dhisay dalka Soomaaliya, ayna ka taageereen dowlada Soomaaliya dhinacyo badan.
Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
[email protected]

