28.2 C
Mogadishu
Sunday, November 9, 2025

XOG: Shirkii Kismaayo oo dib loogu laabanayo.!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ka hadlay kulan ka dhacay magaalada Kismaayo ayaa shaaciyay in markale lagu kulmi doono magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Axmed Maxamed Islaam, ayaa ku dhawaaqay in magaalada Kismaayo markale ku kulmi doonaan madaxdii kukala tagtay shirkii ka dhacay magaalada Todobaadkaan bilowgiisii, sida uu hadalka u dhigay.

Shirka mar labaad ka dhacaya Kismaayo ayuu sheegay inuu noqon doono mid lagu shaaciyo doorashada ka dhaceyso Soomaaliya marka hayadaha dowlada ee hadda shaqeynayo waqtiga uu ka idlaado.

Shacabka Kismaayo ayuu markale ka dalbaday iney u diyaar garoobaan soo dhaweynta madaxda dalka, sida uu hadalka u dhigeyna Kismaayo ayaa noqoneysa magaalada ugu dambeyn lagu shaaciyo doorashada dalka ka dhaceyso.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shalay kaga dhawaaqay Beydhabo iney tahay magaalada xigta ee lagu kulmayo si looga hadlayo aayaha dalka Soomaaliya iyo doorashada dalka ka dhaceyso.

Shirkii todobaadkii lasoo dhaafay ka dhacay kismaayo ayaa fashil kusoo dhamaaday, mana jirin wax natiijo ah oo ay gaareen dhinacyadii ku kulmay magaalada.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News