28.1 C
Mogadishu
Tuesday, November 25, 2025

Xog: Beesha Wacbuudhan Abgaal oo uu shir uga furmay Balcad iyo qorshihii Xasan oo fashilmay.!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Balcad (Caasimada Online) – Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha dhexe waxaa shir uga furmay siyaasiyiinta, waxgaradka iyo qeybaha bulshada ee Beesha Wacbuudhan Abgaal, iyadoo shirkani ku soo beegmay xilli uu magaalada Jowhar ka socdo shirka maamul u sameynta goboladda Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Siyaasiyiinta iyo waxgaradka shirka ka qeyb galaya waxaa ka mid ah:-

1 – Xildhibaan Cumar Maxamad Maxamuud (Finish),
2 – Xildhibaan Qaasim Cali Nuur (furdug).
3 – Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Wadajir, Dharkeynley iyo Kaaraan, Balcad, Warsheekh iyo Ruunnirgood
4 – Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Shabeellaha dhexe Axmed Meyre Makaraan (Axmad faal)
5 – Wasiirka Ganacsiga Koonfur Galbeed C/llaahi Sheekh Xasan.
6 – Gudoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Xasan Caddow (Daaci)
7 – Ex. Xildhibaan Xuseen Caraale Caddaan.
8 – Ugaas Maxamuud Cali Ugaas
9 – Malaaqa Xamar iyo Xamar Daye Cali Maxamed Weheliye, iyo xubno kale oo fara badan

Ujeedada shirka ayaa lagu sheegay wadatashi ku saabsan xaalada beesha iyo sidii ay mowqif mideysan uga qaadan lahayd xaaladda siyaasad ee ku wareegsan, waxaana shirka looga doodayaa doorka beesha ee shirka Jowhar iyo kaalinta dowlada Federaalka.

Warar xogogaal ah ayaa sheegaya inuu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ka hor jeestay shirkan isagoo isku dayay inuu ka reebo ka qeyb galkiisa qaar ka mida odayaasha dhaqanka beesha Wacbuudhan oo ku gacan seyray.

Waxaa lagu wadaa inay shirka ka soo baxaan go’aano ku saabsan mowqifkeeda shirka Jowhar ee maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News