26.2 C
Mogadishu
Sunday, November 16, 2025

Sawirro + Xog: Sababta ergada HIIRAAN ay uga baxday shirka Jowhar uguna laabteen HIIRAAN

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa qaadacaada beelaha degga Gobolka Hiiraan ay qaadacen saami qaybsiga beelaha kasoo kala jeeda Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Ergooyinka Beelaha Hiiraan ee ka qeybgalaayay shirka ayaa iminka dib ugu laabtay magaalada Beledweyne ee xarunta maamulka Hiiraan, waxa ayna sheegen in suuragal aysan aheyn in reero gaar ah ay maamushaan shirka islamarkaana loogu roonaado dhanka cadaalada.

Ergooyinka Hiiraan waxa ay sidoo kale sheegen in dib ugu laabashadooda Hiiraan ay sabab u tahay dayacnaanta Dowladu ay dayacday socoshada shirka waxa ayna tilmaamen in maamulka loo dhisaayo Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ay raali ka tahay Dowladu inuu hakado.

Nabadoon Shuuriye Xuseen Xaayow oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee isaga soo tagey Magaalada Jowhar, ayaa si xoogan Dowladda Somalia ugu dhaliilay inay ka masuul tahay fashilka ku yimid shirka, sida uu yiri.

Nabadoon Shuuriye, ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia ee Gobolka Hiiraan ka soo jeedo, ugu yeeray inay ka soo qaybgalaan shirweyne, sida uu sheegay ay kaga tashan doonaan aayaha Gobolka.

Nabadoon Faarax Cabdi Waare oo ka hadlaayay kulankii ay maanta ku yeesheen Baledweyne, ayuu ka sheegay in shirka ka soconaaya Jowhar laga weeciyay wadadii loogu talla-galay.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
1

2

3

4

5

7

8

9

10

- Advertisement -

Read more

Local News