26 C
Mogadishu
Sunday, November 16, 2025

Xog: Axmad Madobe oo fashiliyay qorshaha uu Xasan Sheekh ka damacsan yahay MADASHA.!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho(Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ka hadlay fashilada maamul Goboleedyada dalka ka heysta guul laga gaaro shirka qabyada ah looga doodaayo wada-tashiga aayaha Somalia.

Axmed Madoobe oo si aad ah kaga walaacsan Fashiladaasi ayaa sheegay in suuragal ay tahay in Dowlada Somalia ay qarka kasii tuurto rajadii yareyd ee laga lahaa Horumarka Somalia, waxa uuna tilmaamay in Xassan Sheekh uu rajeynaayo inuu hirgaliyo rabitaankiisa oo qura.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayuu ku eedeeyay in ka tanaasulida nidaamka qabyalaadeysan uu xujo uga dhigay rabitaankiisa gaarka ah, waxa uuna Xassan ku dhaliilay in Somalia uusan ka laheyn wax dan ah, balse ay u muuqato tiisa oo qura.

Xassan Sheekh ayuu sheegay in baahiyahiisa gaarka ah ay ka weyn tahay Qaranimada Somalia, sidaa awgeedna wax waliba uu u sameynaayo inuu dhaqan galiyo Jaceylkiisa.

Sidoo kale, Axmed Madoobe waxa uu mar kale ka digay in dhameystirka shirka laga weeciyo magaalada Kismaayo, waxa uuna rajo ka muujiyay in dib leysugu soo laabto.

Docda kale, Guul laga gaaro shirka ayuu sheegay inay tahay mid ku xiran rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News