26.4 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Sawiro: Maxaa ka dhaxeeya Imaaraadka & Gaas

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha Imaaraadka carabta u fadhiya Somalia ayaa kulan gaar ah iyo mid Casho u sameeyay Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Gaas iyo wafdigiisa kaasi oo ka dhacay xarunta Safaarada.

Casho sharafta ka sokow ayaa waxa ay labada mas’uul kulankooda uga wada hadleen xaaladda dalka iyo tan kala guurka, waxa ayna iska wareesten shirka la filaayo inuu dib uga furmo magaalada Muqdisho, iyada oo looga arrinsan doono misna lagu dhameystiri doono wadatashiga aayaha Somalia.

Danjiraha waxa uu sheegay in dalkiisa ay ka go’an tahay in wax muuqda lagu soo kordhiyo xaalada Somalia, gaar ahaan shirka la filaayo in gudaha asbuucaani uu dib uga furmo magaalada Muqdisho.

Wuxuu tilmaamay in Puntland lama huraan ay tahay inay la imaado isbedel kaduwan kii hore, si loosoo gunaanado khilaafka.

Sidoo kale, Danjiraha ayaa ku ammaanay madaxweynaha Maamulka Puntland isbedellada horumarineed iyo nabad gelyo ee uu ka hirgeliyey Puntland mudadii uu xilka hayey iyo sidoo kale dardar gelinta dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha Puntland ee xawliga ku soconaya.
1

2

3

4

5

6

- Advertisement -

Read more

Local News