Faallo: Guddoomiyaasha Puntland iyo Jubaland

Socdaalka lama filaanka ah oo ay ku yimideen Xamar Cabdi Gaas iyo Axmad Madoobe wuxuu jawaab u yahay ammar lagu soo saaray oo ah ninay deg-deg ku soo galaan Xamar si looga wada hadlo dhibaatada ay wadaan oo ah carqadeynta higsiga cusub oo ay u beddeleen arrin ay moodeen inay xayiri karto ama horjoogsan karto go’aanka ay qaateen 85% (boqolkiiba siddeetan iyo shan) ummadda Somaaliyeed ee u aragta in 4.5 uu yahay xalka munaasabka ah xilligaan la joogo.

Ummadda Somaliyeed waa inay ogaadaataa in labadaan gobol oo mathala hal jufo oo Somali ka mida inya ku khasbi karaan ummadda inteeda kale rabitaankooda. Adduunka oo dhan ayaa wada dareemay waxa ay wadaan, dhowr jeer ayaa loo digay, canaan aad u kululna waa loo jeedinayaa haddii ay ka tanasuli waayaan carqaladaha ay dalka ka wadaan waxaa la sugayaa ama la dhowraa waa tallaabooyin lagu dhawaaqi doono oo u gaar ah labadaan gobol.

Waxa ay rabaan waa in degmooyin wax lagu qaybsado, iyagoo filaaya in degmoyin boqolaal sano ka hor laga haajiray ee ka tirsan Puntland oo tiro ahaan geddigood ka yar dadka deggan xaafadda Madina ee Xamar…meesha Axmad Madoobe uusan kala aqaanin degmooyinka uu ka kooban yahay gobolka Jubbada Hoose, hammigiisuna waa inu jufadiisa hoose ka soo aruuriyo KIILINKA SHANAAD si ay u helaan tiro ay ku gorgortami karaan…waana arrimo aan soconeyn. Beesha caalamku waa ka warqabtaa waxaa ay wadaan labadaan nin, diyaar ayaana loo yahay in hamigooda la soo afjaro Inshaa Allaah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com