Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo kulan gaar ah uu Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku dhexmaray wakiilka Xoghayaha guud ee Jimciyadda Quruumaha ka dhexaysa u qaabilsan arrimaha Somalia Mr Michael Keating iyo Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas, ayaa waxaa hadana soo baxaaya xogo dheeraad ah oo ku saabsan kulankooda.
Kulanka labada mas’uul ayaa ahaa mid diirada lagu saaray Heshiis laga gaaro shirka wadatashiga aayaha Somalia ee heerka gabagabo maraaya, waxa uuna Michael Keating sheegay inuu la socdo in Maamulada dalka ay doonayaan in isbedel Siyaasadeed lagu sameeyo Siyaasada Somalia.
Michael Keating ayaa C/wali Gaas u sheegay in ad adeega maamulada dalka gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland uu carqalad ku yahay hanaanka Siyaasadeed ee Somalia iyo hirgalinta nidaamka doorasho ee dalka.
Michael Keating waxa uu C/wali u sheegay in QM aysan diyaar u aheyn inay cadaadis gaar ah saarto maamulada dalka, balse ay dooneyso in marka hore la helo tanaasul ka imaada dhanka maamulada si intaa kadib Dowladu ay uga soo dabacdo go’aanada ay tiigsaneyso maadaama dalka ay iyada ka taliso.
Sidoo kale, Michael Keating waxa uu sheegay in marnaba aysan suuragal noqon doonin in si dhab ah loo raaco go’aanka Puntland iyo Jubbaland, balse ay muhiim tahay in loo roonaado shacabka Soomaaliyeed oo iyagu aan u dulqaadan karin isqabqabsiga taagan, sida uu Mr Michael Keating hadalka u dhigay.
”QM wey ka go’an tahay in fadhiga soo socda ay natiijo ka dhaliso diyaar uma nihin inaan raali galino Dowlada Somalia iyo maamulada, haddii uu arrinku sidaa sii ahaado go’aanku waxa uu gacanta usoo gali doonaa QM waxaana lagu shaqeyn doonaa rabitaankeeda maadaama aysan jirin ixtiraamkii aan sugeynay” ayuu yiri Michael Keating oo dhanka kale intaa raaciyay hadalkiisa in Dowladu ay ka jilicsan tahay halkii ay shalay taagneyd.
C/wali Gaas ayaa dhankiisa ka sheegay in Puntland aysan u baahneyn raali galin, hayeeshee ay ka duuleyso go’aanadii uu horay u soo dhaweeyay madaxweynaha dalka, taasina ay lushay Siyaasada suuragalin laheyn isku soo dhawaanshiyaha.
Gaas waxa uu Michael Keating u ballanqaaday inay diyaar u noqon doonaan go’aan waliba oo kasoo baxa Xafiiska QM ee Somalia, balse aysan diyaar u aheyn inay u hogaansamaan amar kasoo baxay dhanka Madaxtooyada Somalia.
Geesta kale, Michael Keating iyo C/wali Gaas ayaa isla gartay in laga dhowr sugo kulan si wada jir ah ay ula qaadan doonaan Madaxweynaha Somalia si loo dhageysto waxa iska bedelayo go’aankii hore.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]