Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan horay u qornay waxaa maanta magaalada Eldoret ee dalka Kenya gaaray Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo tirro mas’uuliyiin ah oo uu hogaaminaayo.
Qorshaha ayaa ahaa in Garoonka Eldoret uu madaxweyne Xassan kusoo dhaweeyo dhigiisa dalka Kenya, balse waxa ay xogtu sheegeysaa in Madaxweynaha Dalkaasi Uhurro Kenyatta uu ka baaqday doonista dhigiisa Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, isaga oo si lama filaan ah ugu soo diray ku-xigeenkiisa William Ruto, Wasiirka Arrimaha Dibadda Aamin oo ay kala dhexeyso Khilaaf adag.
Arrinta ugu weyn ee sida aadka ah looga hadal hayo dalka Kenya iyo Somalia ayaa ah sababta Madaxweyne Xassan Sheekh ku khasabtay inuu ka qeybgalo Aaska iyo Baroordiiqa Ciidamada Kenya ee lagu laayay deegaanka Ceel-Cadde ee Gobolka Gedo 15-kii bishan.
Madaxweyne Xassan kuma uusan xisaabtamin duqeynta ay diyaaradaha Kenya muddo 2 asbuuc ah ku xasuuqayaan shacabka ku hoos nool deegaano hoostag Gobolka Gedo, balse waxa ay arrintaani muujineysaa in Xassan Sheekh uusan u danqaneynin Gantaalada ay Kenya ku garaaceyso Gedo iyo Geerida shacabka Soomaaliyeed ee Gobolkaasi ku nool.
Waxa uu Xassan Sheekh gabay mas’uuliyadii ka saarneyd Umadda Soomaaliyeed ee uu u dhaartay isaga oo maciin baday inuu wajiga ka dadbado Shacabka Gantaalada lagu garaacaayo waxa uuna wajiga xijiyay Kenya si uu u raali galiyo.
Ka sokow xasuuqa shacabka Gedo iyo danqasho la’aanta Xassan Sheekh waxa ay su’aashu tahay maxaa sababay in isaga oo ka tacsiyeynaaya Geerida ciidamada Kenya uu qadarin uga waayay Madaxweynaha Kenya oo aan garoonka kusoo dhaweyn?
HOOS KA DAAWO SAWIRADDA




