25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Xasan Sheikh oo 2 fursad siiyay Cabdi Weli Gaas

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno dhanka Villa Somalia ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu laba 2 fursad siiyay madaxweynaha Puntland si uu uga soo fiirsado.

Wararku waxa ay sheegayaan in qodob kamid ah labadaasi qodob ay tahay in C/wali Gaas isaga oo u diirnaxaaya masiirka Beelaha Soomaaliyeed uu u hogaansamo natiijada kasoo baxday shirka wadatashiga.

Qodobka labaad ee uu Xassan Sheekh fursad ahaanta u siiyay C/wali Gaas, ayaa lagu sheegay in Gaas uusan si buuxda u matali karin dhamaan Beelaha kasoo jeeda deegaanada Puntland, sidaa aawgeedna looga baahan yahay inuu la imaado Odayaasha marjaca u ahaa Beesha Daarood, si loogu qanciyo duruufaha jira ama uu ku raali noqdo natiijada kasoo baxday shirka daba dheeraaday ee looga tashanaayay aayaha Somalia.

C/wali Gaas ayaa waxaa ku adag in labadaasi qodob mid kood uu qaato, waxaana lasoo sheegayaa in walaac gaar ah uu ka muujiyay qodobka labaad ee ah inuu la imaado Odayaasha beelaha Daarood hogaaminaayay si loogu qanciyo arrinta taagan.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa lasoo baxay miciyo Siyaasadeed tan iyo markii uu garabka ka helay Beesha Caalamka, waxa uuna ku dhiiraday inuu baacsado madaxweynaha Puntland C/wali Gaas.

Si kastaba ha ahaatee, 2 qodob ee fursada looga dhigay C/wali Gaas ayaa waxa ay dareen muuqda ku abuurtay Maamulka iyo Odayaasha Daarood, waxaana suuragal ah in Xassan Sheekh Siyaasad cusub la imaado.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News