Muqdisho (Caasimada Online) – Kullan ka dhan ah go’aanadii shirka madasha ee lagu boobay xuquuqdii maamulka gobolka Banaadir, ayaa lagu qabtay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Beelaha Xamar iyo Xamar Daye ayaa sheegay inaan la aqbali karin riyada Xasan Sheekh iyo kuwa ku xiran ay ku duudsiiyeen shacabka gobolka Banaadir xuquuqdooda matalaad, waxayna ka digeen kacdoon ka dhan ah dowladda federaalka.
Waxaa kulan ka halday malaaqa Xamar iyo Xamar Daye Malaaq Cali Malaaq Maxamed Malaaq Wehliye.

