Warancadde oo arrin halis ah ku sheegay Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa si adag uga jawaabay warqad ay faafisay laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha Somalia.

Waran-cade ayaa sheegay in warqada laga faafiyay ee uu ku dalbanaayo in Xafiis laga bixiyo Baasaboorada ay Dowlada ka furato magaalada Hargeysa aysan aheyn mid uu isaga qoray balse ay tahay mid laga faafiyay.

Waran-cadde waxa uu sheegay in faafinta warqadaasi uu ka danbeeyay Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud oo uu sheegay inuu yahay qof aan laheyn beer naxa.

Wasiirku waxa uu sidoo kale sheegay inuusan garankarin diinta uu heysto madaxweyne Xassan Sheekh waxa uuna tusaalo usoo qaatay Sawirka muranka badan dhaliyay ee muujinaayay Xassan oo madaxa u raaricinaaya Meydadka Ciidamada Kenya ee lagu xasuuqay deegaanka Ceel-cadde.

Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa ”Nin Gaaladda u sajuudda ,dadkiisa Islaamka Qaraxyada lagu leynaaya ku qosla waa la yaab,waxaan u heeystaa inuu yahay Madaxweyne Diimo badan ,sidaas darteed waa inuu ummadda u sheego Muslim iyo gaal wuxuu yahay”

Waran-cadde waxa uu sidoo kale sheegay inaysan jirin baahi ku qasbeysa in shacabka Somaliland ay qaatan Baasaboorka Somalia, waxa uuna taa bedelkeeda sheegay in caalamka uu aqoonsan yahay Baasaboorka Somaliland marka loo eego kan Somalia, islamarkaana wadamo badan lagu tago.

Dhinaca kale, wasiir waran-cadde waxa uu shacabka Soomaaliyeed u ballanqaaday in Somaliland ay ka caawin doonto wax waliba oo ay isaga xureyn lahaayen Xassan Sheekh iyo Dowladiisa oo uu ku sheegay inay yihiin kuwo tallo xun.

HOOS KA DAAWO JAWAABTA WARRANCADDE

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com