25.2 C
Mogadishu
Saturday, May 23, 2026

Sawirro: DF iyo reer Hiiraan oo is-mari la’ weli.!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan gaaray wafdi Xildhibaano u badan oo uu horkacaayo wasiirka wasaaradda amniga Somalia, Cabdirisaaq Cumar.

Ujeedka socdaalka wafdigaani ayaa ah mid la xiriirta xal u raadinta Beelaha Gobolka Hiiraan oo kasoo gadooday shirka ka furan magaalada Jowhar.

Socdaalka wafdigaani ayaa ah amar madaxweyne si loo soo gunaanudo tabashada Beelaha dega Gobolka Hiiraan kuwaasi oo iminka banaan joog ka ah shirka kasocda Jowhar.

Wafdiga wasiirka ayaa markii ay ka dageen Garoonka Ugaas Khaliif si toos u abaaray aqalka uu magaalada Beledweyne ka degan yahay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble, halkaasoo ay wada hadalo kula galeen Ergadii kasoo carootay shirka Jowhar.

Wasiir C/risaaq ayaa sheegay in ujeedka socdaalkooda uu yahay sidii dadka deegaanka ay ugala hadli lahaayeen cabasho buu yiri ay qabaan, waxa uuna Wasiirku sheegay in Madaxweyne Xassan isagana uu soo gaari doono magaalada Beledweyne, waa haddii uusan dhicin isbedel.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Ergada ay ka biyo diiden in Wasiirka ay la furaan wada hadal khuseeya sababta ay uga soo baxeen shirka, waxaana lasoo sheegayaa in shuruud ay ka dhigeen imaanshiyaha magaalada ee Xassan Sheekh.???????????????????????????????????? ???????????????????????????????????? ???????????????????????????????????? ???????????????????????????????????? ???????????????????????????????????? ???????????????????????????????????? ???????????????????????????????????? ???????????????????????????????????? ???????????????????????????????????? ???????????????????????????????????? ????????????????????????????????????

- Advertisement -

Read more

Local News