Muqdisho (Caasimada Online)-Warar kala duwan ayaa waxa uu kasoo baxayaa dab la sheegay inuu ka kacay Diyaarad ay leedahay shirkada Daallo Airlin oo ka duushay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Wararka qaar waxa ay sheegayaan in diyaaradaasi uu dab xoogan ka kacay xili ay ku jirtay hawada kuna sii jeeday dalka Jabuuti.
Warar kaasi ka duwan ayaa sheegaya in diyaaradaasi ay uu ka dhex dhacay Qarax loo adeegsaday agab yar kaasi oo la sheegay in la hoos dhigay mid kamid ah kuraasta diyaarada kuwooda ugu horeeyo.
Diyaarada ayaa waxa ay ka burburtay dhanka midig, waxaana go’ay qeyb kamid ah diyaaradaasi.
Inta la ogyahay 2 ruux ayuu dhaawac culus kasoo gaaray shilkaasi, halka tiro kalane uu qabsaday dab kuwaasi oo kusii jeeday dalka Jabuuti.
Diyaaradaasi ayaa muddo 20 daqiiqo ah hawada ku jirtay waxa ayna dib usoo laabatay iyada oo dhinac dhan ka holceyso, waxaana halkaasi ka jiiday gaadiidka waaweyn ee garoonka aadan caddae ka howlgalo.
Rakaabkii saarnaa Diyaarada ayaa laga soo dejiyay iyaga oo badi ahaa kuwo badqaba, waxaana Diyaarada u gurmaday gaadiidka Dab damiska ee Garoonka Aadan Cadde ku diyaarsan.
Maamulka Garoonka Aadan Cadde wali kama uusan hadal shilkaasi, waxaana iminka halkaasi ku sugan Taliyayaasha NISA iyo Booliska.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]