Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa goordhow uu Qarax xoogan ka dhacay Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir, kaasi oo lagu xiray gaari nooca raaxada ah.
Qaraxa oo dhawaqiisa laga wada maqlay magaalada Muqdisho ayaa waxaa lasoo sheegayaa in lagu xiray gaari uu lahaa mid kamid ah shaqaalaha Dowlada.
Gaarigan, ayaa horyaalay afaafka hore guri ku yaala xaafadda Unicef, iyadoona dabka ka kacay gaarigaasi uu gubay gurigii uu horyiilay.
Xiliga Qaraxa ma jirin cid la soctay gaariga waxa uuna ahaa mid milkiilaha uu uga tagtay halkaasi, waxaana qadar yar un kadib halkaasi gaaray Ciidamada Dowlada oo jaray wadooyinka goobta qaraxa gala.
Dhanka kale, ma jirto cid ilaa iyo hadda sheegatay mas’uuliyada Qaraxaasi, mana jiraan khasaaro ka dhashay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]