25.8 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Xog + Sawirro: Aala Sheekh oo doorashada 2016 u xulatay musharax halis ah (Waa kuma ninkan?)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar hoose oo aan ka heleyno dhanka ilo ku dhow dhow mas’uuliyiinta Aalla Sheekh, ayaa sheegaya in Kooxdu ay iminka soo xulatay shaqsiga uga qeybqaadan doona doorashada la filaayo in dhawaan ay ka dhacdo Somalia.

Kooxda Aalla sheikh oo baryahaani danbe la sheegay inuu ka dhexeeyay Khilaaf dhanka musharaxnimo waxaa iminka soo baxaaya in dhamaan madaxda maamulka ay isku raacday in Gudoomiyaha Xisbiga Dal-jir Xassan Moalim uu noqon doono mas’uulka Kooxdaasi u matali doona doorashada.

Xassan Moalim ayaa waxa uu kamid ahaa raga maskaxda u ahaa madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheekh Axmed, waxaana xogo hoose oo sheegaya in Shariif Sheekh Axmed uu wato musharaxaani cusub.

Musharaxaani cusub oo kaalin muhiim ah kasoo qaatay Dowladii dhacday ee Sheekh Shariif ayaa waxaa iminka muuqaneysa in Kooxdu ay u aragto in shaqsi aan ninkaasi aheyn uusan u matalikarin.

Xassan Moalim ayaa kasoo jeeda Beesha Murusade, waxa uuna kamid yahay Baarlamaanka Somalia, waxaana lagu sheegaa inuu yahay nin galaagal u leh dhanka Xildhibaanada BFS.

Dowladaha taageerada ka geysanaaya soo saarista kooxdaani ayaa waxaa kamid ah Britain, Mareykanka, Turkiga, Kuwait, Qadar, Sacuudiga, Imaaraadka iyo Dowlado kale oo aan wali xogtooda aan nasoo gaarin.

Si kastaba ha ahaatee waxaan la saadaalinkarin sida ay xaaladu noqon karto, inkastoo ay muuqaneyso ifafaalooyin muujinaaya in Beesha Caalamka ay ka quusatay Dowlada hadda jirta.
11

IMG_7293

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News