25.8 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Xog: R/W CCC oo dacwad ka dhan ah ODAWAA u gudbiyay madaxweyne Xasan Sheekh, Sabab?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno dhanka Xafiiska Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa sheegaya in Khilaaf adag uu xiligaani ka dhextaagan yahay isaga iyo Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka Somalia C/raxmaan Odawaa.

Khilaafka ayaa la tilmaamayaa inuu ka dhashay kadib markii Odawaa uu ka caga jiiday in si sinaan ah uu u raali galiyo beelaha uu shirka uga socdo magaalada Jowhar.

Dacwado ka dhan ah Odawaa oo gaaray Xafiiska Ra’isul wasaaraha ayaa waxaa looga dacwooday wasiirka, waxa ayna dacwadaasi tahay mid la xiriirta khilaafyada ka dhextaagan madasha shirka maamulka loogu dhisaayo Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Dacwada ayaa waxaa sidoo kale lagu xaqiijiyay in Odawaa uu ku goodiyay in Ergada ka talaabta qorshaha isaga uu ku maamulaayo madashada uu gabi ahaan ka dhex saari doono shirka, waxa ayna taasi saraqaaday Khilaafka CC iyo Odawaa oo aan dhag jalaq usiin dacwada.

Ra’isul wasaare Cumar oo ka duulaaya Dacwadaasi ayaa Xafiiskiisa uga yeeray Wasiir Odawaa, hayeeshee Wasiirku waxa uu diiday inuu qaabilo.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa iminka la xaqiijinayaa in Madaxweynaha Somalia uu ku dacweeyay Odawaa, isaga oo u gacan galiyay dhamaan Eedaha loo jeediyay.

Geesta kale, waxaan kala cadeyn sida Xassan Sheekh uu uga jawaabi doono dacwadaasi, inkastoo ay lama huraan noqoneyso in talaabo uu qaado si Ra’isul wasaaraha loo qanciyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News