25.5 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Xog: Jawaari oo lagu dhegan yahay iyo beesha caalamka oo la timid qorsho cusub oo la rabo…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa kulan gaar ah uu Xarunta madaxtooyada Somalia ku dhexmaray Afhayeenka Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari, Wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Somalia iyo Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee dhinaca arrimaha siyaasadda, Danjire Jeffrey Feltman.

Seddexda mas’uul ayaa si gaar ah uga arrinsaday xaalada guud ee Somalia, shaqada BFS iyo meel marinta nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta sannadkan.

Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Jeffrey Feltman, ayaa Afhayeenka Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari si gaar ah uga wareystay suuragalnimada in doorashada Somalia ay ku imaankarto dib u dhac, waxa uuna su’aal ka weydiiyay sababta ay u diyaarin la’ yihiin shaqooyinka lagu gaari lahaa doorashada.

Jawaari ayaa sheegay in Dowlada Somalia ay ku adag tahay in wax waliba ay kusoo dhameyso laba maalin waxa uuna tilmaamay in isaga iyo madxaweynaha dalka ay iska wareysteen goorta ay bilaabi doonaan howlaha lagu sii diyaarinaayo Baarlamaanka cusub ee bedeli doona kan iminka shaqeeya.

Jawaari waxa uu difaacay Dowlada waxa uuna wakiilada u sheegay in Dowladu qudheeda uu jahwareer ka heysto isu keenida maamulada dalka iyo qaabka lagu howlgalin lahaa Hay’adaha ay khuseyso arrimaha doorashooyinka, waxa uuna kulanka ka dhex cadeeyay in howlahaasi dhamaantooda ay iminka u guda galeyso Dowlada ka hor inta aan lagu dhawaan mudada doorashada.

Sidoo kale, Mr. Feltman ayaa soo dhaweeyey in door muuqda laga siiyo labada Aqal Haweenka Soomaaliyeed qoondo dhan 30%, waxaana uu ku dhiirigeliyey madaxda Soomaalidu in ay ka dhabeeyaan go’aankaas.

Dhinaca kale, Jeffrey Feltman ayaa Afhayeenka Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari ku booriyay in wax waliba uu ka eego dhanka Qaranimada, waxa uuna u sheegay in Beesha Caalamka ay u baahan tahay in Somalia laga hirgaliyo Baarlamaanka u badan dhalinyaro si isbedel loogu helo Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News