Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalmihii ugu danbeeyay degan Jawiga Somalia, gaar ahaan kan Xarumaha Dowlada, waxaana Jawi aamusnaan ah galay Madaxda maamulada dalka.
Aamusnaanta madaxda maamulada ayaa waxaa sabab u ah kala geynta madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud oo adeegsanaaya Beesha Caalamka.
Degnaanshiyaha Siyaasada Somalia ee iminka laga dareemaayo Somalia, gaar ahaan magaalada Muqdisho iyo Gobolada qaar, ayaa waxaa sabab u noqday kalsooni dariga ay kala dhex dhigtay Beesha Caalamka, waxaana arrintaasi sii xoojiyay madaxweyne Xassan oo u Xusul duubanaaya in Somalia oo idil laga dhaqan galiyo rabitaankiisa.
Xiriirka Xassan Sheekh iyo Beesha Caalamka oo is biirsaday waxa ay hoos u dhigtay awooda maamulada dalka, waxaana sarakacay awooda madaxweyne Xassan Sheekh oo aan horay u muuqan jirin.
Waxaa yaraaday iska dhicinta madaxweynayayaasha maamulada dalka ee ku aadan Xassan Sheekh, iyadoona ay xusid mudan tahay in meesha ay ka baxday xiriirkii u dhexeeyay Jubbaland iyo Puntland.
Shaxda ay Dowladda Federalka soo agaasintay oo ay Beesha Caalamka ayideen waxa uu meesha ka tuuray Aragti Kala-duwanaanshihii Madaxda Qaranka iyo kuwa Goballadda, waxaana iminka la shaaciyey Tubta Hiigsiga Nidaamka Doorashadda iyo Dhismaha Labada Aqal ee Barlamaanka.
Shiiqida awoodaha madaxda maamulada dalka waxa ay muujineysaa degnaanshiyaha iminka ka jirta Somalia, waxaana hakat galay qeyla dhaantii ay Warbaahinta marin jireen maamulada dalka.
Dowladda Federalka ayaa u baahan inay dhamaystirto dhamaan Arrimaha Lafdhabarka u ah Qabsoomidda Doorashadda qabsoomi doonta bisha September ee soo socota, waxaana hubala ah in taasi qudheeda ay hortaagan tahay Beesha Caalamka.
Dowlada Somalia ayaa degnaanshiyaha hadda jira uga dhex faa’iideysaneysa dhismaha Dowlad-gobaleedka Sh/dhexe iyo Hiiran oo loo baahan yahay ka hor inta aan loo ambabixin dabayaaqadda bishan Shirka ka dhici doona dalka Turkiga.
Beesha Caalamka ayaa raadineysa jawi ka duwan kan hadda lagu jiro, waxa ayna sidoo kale wadaa qorsho ay ku xakameyneyso awooda Maamulada dalka.
Ma cadda sida ay Beesha Caalamka u kala maamuli doonto Siyaasada isdiidan ee u dhexeeya Dowlada Somalia iyo maamulada dalka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

