Xog: Arrin laga qariyey DF oo ka socota Kismayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Kenya ay halkaasi ka wadaan howlo aysan la socon Dowlada Somalia.

Wararku waxa ay sheegayaan in saacadihii ugu danbeeyay Dekada ay kusoo xiranayeen maraakiib laga leeyahay dalka Kenya kuwaasi oo lagu guraayo agab kala duwan.

Dekada Kismaayo ayaa waxaa sidoo kale ku qulqulaaya Gaadiidka xamuulka oo aad u raran kuwaasi oo loo xiray wadooyinka, waxa ayna xogtu sheegeysaa in maraakiibtaasi ay qaadayaan dhuxul iyo Sonkor.

Mid kamid ah Saraakiisha ka howlgasha Dekada Kismaayo, ayaa inoo xaqiijiyay in muddo Afar maalin ah Dekada ay u xayiran tahay Dowlada Kenya, waxa uuna Sargaalku sheegay in Maraakiibtaasi ay ku howlan tahay gurashada Kheyraadka dalka.

Waxa uu sheegay inuu indhihiisa ku arkay Dhuxul iyo Sokor lagu keydinaayay Dekadda oo lagu guraayo Maraakiibtaasi.

Dhanka kale, waxa uu sheegay in la fasaxay shaqaalaha qaar si aan loo ogaan Kheyraadka ay daabulayaan maraakiibtaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com