Gaas oo Axmed Madoobe u diray fariin niyad jab ah sheegayna in Xasan Sh. uu ku weyn yahay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa markii ugu horeysay ka hadlay qorshaha diidmadiisa ku aadan nidaamka 4.5 iyo qaabka uu u ogolaaday Axmed Madoobe in Nidaamkaasi looga shaqeeyo deegaanada Jubbaland.

C/wali Gaas oo la hadlaayay warbaahin gaar ah oo ka howlgasha magaalada Garoowe, ayaa sheegay in Puntland aysan waxba u arag in Jubbaland ay aqbasho 4.5, waxa uuna Gaas sheegay in Axmed Madoobe ay isaga u taallo sida uu ka yeeli lahaa nidaamkaasi, balse dhankiisa uu ka qaatay Mowqif.

Gaas waxa uu sheegay in Mowqifka Puntland uu yahay inay iska fogeeyaan waxa uu ugu yeeray qaad-qaadka misna kool-koolinta Qabiilka, waxa uuna afkiisa ku qoray in Xassan Sheekhi haddii lala tashan lahaa uu Somalia oo idil ka dhigi lahaa dhul wax waliba lagu kala qaato qabiilka.

Wuxuu sheegay in Axmed Madoobe uu markiisii hore ay ahaayen isku Mowqif, balse uusan garankarin xiliga iyo goorta uu isbedelay iyo sababta ka danbeysay in masiirka shacabka Jubbaland uu ugu doodi waayay.

Sidoo kale, Gaas waxa uu tilmaamay in qorshooyinka Puntland uu yahay mid ka fog in Somalia laga dhaqan galiyo rabitaan gaar ah, waxa uuna cod dheer ku sheegay in iyaga uu khuseeyo masiirkooda islamarkaana aysan cid gaar ah kala tashan doonin.

Si kastaba ha ahaatee, Haddalka C/wali Gaas ayaa u muuqanaaya mid xanuunkiisa gaarka ah uu ku muujinaayo, waxa uuna ka gudbi la’ yahay carrada uu ka qaaday nidaamka uu Xassan Sheekh u xulay dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com