28.9 C
Mogadishu
Monday, June 1, 2026

Beesha Sade oo maamul cusub ku dhowaaqeysa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno Gobolka Galguduud, ayaa sheegaya in halkaasi uu shir xasaasi ah ku dhexmaray Odayaasha iyo waxgaradka Beesha Mareexaan ee Gobolkaasi degta.

Shirka ayaa waxa uu ka dhacay Degmada Caabudwaaq, waxaana halkaasi ku dhamaa inta badan Odayaasha Beesha oo halkaasi kaga dhawaaqay inay ka goosanayaan maamulka Galguduud, waxa ayna sheegen inay dhisanayaan Maamul Cusub kaas oo lagu magacaabo Galguduud Sare.

Odayaasha waxa ay sidoo kale sheegen in marnaba aysan qaadan doonin waxa loogu yeero nidaamka 4.5, kaasi oo ay ku micneeyen qorsho u gaar ah Madaxweynaha Somalia oo aan Beeshu khuseyn.

Nidaamka 4.5 ayay Odayaasha sheegen inuu ka fogyahay cadaalada, taasina ay burburineyso Somalia, sidaa aawgeedna ay u arkaan mid aan u cuntameynin.

Shirka ayaa waxaa kamid ahaa Odayaasha ka hadlay Ugaas Taakow oo sheegay in Beeshu ay ka fakareyso masiirkeeda islamarkaana aysan ku degdegi doonin wax waliba oo kasoo baxa Xafiiska Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud.

Taakow waxa uu intaa ku daray hadalkiisa in arrinta la xiriirta dhismaha maamulka cusub iyo diidmada 4.5 aysan kala hadli doonin Beesha Caalamka, sidaa aawgeedna uu arrinku yahay mid u gaar ah beesha.

Dhanka kale, waxa ay Odayaasha iyo waxgaradka uu shirka u dhexeeyay cod dheer ku sheegen in heer gabagabo uu marayo dhismaha Maamulka Galguduud Sare.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News