25.8 C
Mogadishu
Thursday, December 4, 2025

Xasan oo si yaab leh uga hadlay qaraxii DAALO

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jumhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Qaraxii ka dhex dhacay Diyaaradda Daallo Airlines.

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in wali uu socdo baaritaanka Qaraxa Daallo, waxa uuna wacad ku maray in cid waliba oo ku lug yeelato Qaraxaasi aan la cafin doonin.

Xassan Sheekh waxa uu sheegay in dadka loo qabtay Qaraxa ay la tiiksan doonaan Maxkamada, waxa uuna cadeeyay in dowladu ay ku raja weyn tahay in dadka noocaasi ah ay ka sifeyso dalka oo idil.

Waxa uu Xassan Sheekh sidoo kale sheegay in Dowladu ay durbadiiba aqoonsatay dadka ku lugta leh Qaraxa Daallo, waxa uuna Hay’addaha amaanka ugu baaqay in dadkaasi ay mudankooda mariyaan waa haddii loo helo cadeyn.

Xassan Sheekh ku hanjabay inaanan wax cudurdaar ihi loo samayn doonin wiilashii iyo gabdhihii loo qabtay falka Qaraxaasi, islamarkaana gacanta ka gaystay in qaraxaasi la saaro diyaaradda.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in xanuunka ugu badan uu taaban doono Ciidamadii xiligaasi ku qornaa ilaalada iyo baaritaanka agabka Musaafiriinta kuwaasi oo uu sheegay in Dowladu ay ka gudoomi doonaan waxa uu qabo sharciga.

Dhanka kale, waxa uu Madaxweyne Xassan Sheekh ku celceliyay in dembiilayaasha la horkeeni doono cadaaladda, marka ay laamaha ammaanku soo gaba gabeeyaan baaritaanada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News