Muqdisho (Caasimada Online) – Sawirkaani waxa uu cadeyn u yahay dulmiga lagu hayo Shacabka Soomaaliyeed ee dhowrka sano ku dhex jiray dhibta.
Sawirka waxaa lagu cabirat Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Ceydiid ilka-xanaf oo dhac iyo boob saa’id ah ku haya hantida shacabka isaga oo qaabab khaldan u maareeya hantida.
Ilka-xanaf waxaa la barbar dhigay sawirro muujinaya Suxufiyiin xaalada Ilka-xanaf ee boobka iyo dhaca wax ka weydiinaaya, waxa uuna ku jawaab celinayaa in dhicii uu ku heyn jiray dhulalka ay hakat galeen iminkana uu culeyskiisa u badiyay dhanka Saxaafadda.
Waxaa xaqiiq ah Sawirada noocaani ah ee inta badan lagu cabiro ficilada ay ku kacayaan madaxda dalka, waana arrin muhiim ah in lasoo bandhigo musuqa madaxda dalka.