XOG ka cusub mooshinka ka dhanka ah XASAN

Muqdisho (Caasimada Online) – Khadiijo Maxamed Diiriye oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa xog dheeraad ah ka bixisay sababaha ka dambeeya in mooshin ay ka keenaan madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.

Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa sheegtay in madaxweyne Xasan Sheikh uu dhawaan ka hor sheegay xildhibaanada baarlamaanka in baaritaanada dhanka amaanka looga baahan yahay iney u hogaansamaan, taasi oo walaac ku abuurtay xildhibaanada.

Xildhibaan Khadiijo, waxay si cadu sheegtay in mooshinka ay ka gudbiyeen madaxweynaha Soomaaliya uusan si toos ah ugu socon Xasan Sheikh Maxamuud, balse ay ku cadeynayeen xasaanada baarlamaanka Soomaaliya.

“Mooshinka aan geynay madaxweynaha kuma socdo ee waa cadeynta xasaanada xildhibaanada waxaana diyaarinay 7-dii bishaan markii madaxweynaha uu baarlamaanka horyimid, wuxuuna soo hadal qaaday arin amaanka la xiriirta oo lagu sheegay in ilaa kabaha la furayo marka amaanka la baarayo, waana arin dastuurka baalmarsan”ayay tiri xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye.

“Qaraxii diyaarada Daallo sidii loo baaray looma baarin qaraxyadii waaweynaa ee ka horeeyay, marka waa ku xad gudub xasaanada xildhibaanka iyo dastuurka”ayay hadalkeeda kusii dartay Khadiijo Maxamed Diiriye.

Inka badan 50 xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ka mid ah ayaa saxiixay mooshin ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh maxamuud, waxanaa gudoomiye Jawaari uu sheegay in si deg deg ah loo gudo gali doono mooshinka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com