Sawir ciil badan Musuq-maasuqa ILKA-XANAF

Muqdisho (Caasimada Online) – Sawirkaani waxa uu cadeyn u yahay dulmiga lagu hayo Shacabka Soomaaliyeed ee dhowrka sano ku dhex jiray dhibta.

Sawirka waxaa lagu cabirat Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Ceydiid ilka-xanaf oo dhac iyo boob saa’id ah ku haya hantida shacabka isaga oo qaabab khaldan u maareeya hantida.

Ilka-xanaf waxaa la barbar dhigay sawirro muujinaya Suxufiyiin xaalada Ilka-xanaf ee boobka iyo dhaca wax ka weydiinaaya, waxa uuna ku jawaab celinayaa in dhicii uu ku heyn jiray dhulalka ay hakat galeen iminkana uu culeyskiisa u badiyay dhanka Saxaafadda.

Waxaa xaqiiq ah Sawirada noocaani ah ee inta badan lagu cabiro ficilada ay ku kacayaan madaxda dalka, waana arrin muhiim ah in lasoo bandhigo musuqa madaxda dalka.
ilkaxanaf