25.6 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

BOORSAANI oo jeediyay digniin culus (Warbixin)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)  Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa digniin culus u jeediyay dadka sida sharci darrada ah u degan guryaha aysan iyagu lahayn.

Sheekh Yuusuf ayaa sheegay in muddo loo dulqaadanayay dadka guryaha sharci darrada ku heysta xilligaan wixii ka dambeeyana tallaabo cad laga qaadi doono.

Sheekh Yuusuf ayaa sheegay in sanadkaan gudihiisa ay dhisayaan qaar ka mid ah waddooyinka ugu Muhiimsan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho isagoona ka dalbaday shacabka Muqdisho in ay ka gacan siiyaan arrintaasi wuxuuna ka dalbaday in ay noqdan kuwa isku tashada kana kaaftooma dowladaha shisheeye.

Hadalkaan ayuu ka jeediyay Munaasabad lagu soo bandhigayay Istiraatijiyada uu ku howlgalayo maamulka Gobolka Banaadir sanadkaan 2016.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News