28.9 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Gaas oo sheegay sababta ka danbeysay fashilka shirkii u dhexeeyay B/Caalamka iyo PUNTLAND

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa ka hadlay shirka maalmahaani ka socday magaalada Garoowe ee ugu danbeyntii kusoo idlaaday fashilka.

Gaas waxa uu sheegay in Puntland aysan diidaneyn in dadkeeda ay wax la wadaagto balse kaliya ay kasoo horjeedo Siyaasada uu Xassan Sheekh doonaayo inuu u adeegsado dib usoo laabashadiisa.

C/wali Gaas, waxa uu sheegay in Xassan sheekh uu sharaf iyo ciso u arkay in Masiirka umadda Soomaaliyeed uu ka doorsado maslaxadiisa, balse taasi aysan qaadan karin Puntland.

Wuxuu sheegay in dhowr jeer ay Beesha Caalamka kala hadleen in dhex dhexaad ay ka noqdaan Siyaasada Somalia, balse Puntland ay dareentay in Caalamka uu khaladka ugu hiilinaayo DFS.

”Puntland haddii ay ka hor imaaday qorshaha Xassan Sheekh micnuhu maha inay kasoo horjeedo midnimada iyo in horumar laga gaaro khilaafyada taagan”

Waxa uu sheegay in sababta ka danbeysay Fashilka shirka uu yahay in Dowlada Somalia ay Beesha Caalamka u adeegsaneyso maslaxadeeda gaarka ah, waxa ayna taasi soo dadajisay in Puntland ay ku adeegto mowqifkeeda sidaana uu shirka ku fashilmo.

Gaas waxa uu tilmaamay in Puntland ay ka go’an tahay inay is hortaagto wixii ay u aragto in Dowladu ay ku fushaneyso maslaxadeeda, waxa uuna sheegay in muddo intaa kasii badan aysan Somalia u laaban xaqiraada xuquuqda umadda Soomaaliyeed.

Dhanka kale, waxa uu Beesha Caalamka iyo Dowlada Somalia uga digay inay kusii dhaga adeegan in Somalia lagu maamulo 4.5, haddii ay taasi dhacdana aysan Puntland Khuseyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News