25.9 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Dowladda Somalia oo ku fashilantay xogo ay uga baahatay duuliyihii Daalo Airlines (Warbixin)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adaha amaanka Dowlada Somalia, ayaa baadigoob ugu jira kabtankii waday Diyaarada Daallo ee dhawaan ku qaraxday Hawada.

Hay’adaha amaanka DFS ayaa la sheegayaa inay xiriir la sameeyen Capt. Vlatko Vodopivec oo ahaa duuliyaha diyaaradii Daallo ee bambku ka dhex qarxay iyadoo jawi hoose ku duuleysa, waxa uuna duuliyuhu ka cudur daartay inuu kusoo laabto Somalia isaga oo iminka la sheegay inuu joogo dalka Serbia oo uu kasoo jeedo.

Ujeedka loogu yeeray Capt. Vlatko Vodopivec ayaa ah in wax laga weydiiyo dareenka uu ka qabo Qaraxii lagu xiray Diyaarada iyo macluumaadka uu ka hayo Qaraxaasi, hayeeshee waxa ay Dowladu ku gacanseertay in Capt. Vlatko Vodopivec ay ka dhaadhiciso inuu kusoo laabto magaalada Muqdisho.

Capt. Vlatko Vodopivec ayaa la sheegayaa inuu ku doodaayo in Somalia ay tahay halka lagu qalqal galiyay naftiisa, islamarkaana aysan u muuqan kalsooni uu mar kale dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho.

Capt. Vlatko Vodopivec ayaa horay u xaqiijiyay in Diyaarada Daallo lagu rakibay Bam nooca fudud, balse waxa uu ka cudur daartay inuu bixiyo macluumaad intaa kasii badan.

Lama oga go’aanka ay Dowlada Somalia ka qaadan doonto Capt. Vlatko Vodopivec oo loo baahday in laga qeybgaliyo baaritaanka heerka gabagabo ee iminka lagu hayo Daallo Airlines.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News