28.9 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Sawirro: Baarlamaanka South Afica oo KABO ku weeraray Madaxweynaha dalkaasi

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaannada Baarlamaanka Koonfur Afrika kuwooda ka tirsan Xisbiyada Mucaaradka ah ayaa ku buuqay Madaxweynaha dalkaasi xili uu Khudbad ka horjeedinaayay Golihiisa Baarlamaanka.

Xildhibaanada Foodada sameeyay ayaa ka tirsan Xisiga ”Eff Economic Freedom Fighters” kaasi oo ay ku mideysan yihiin Xildhibaanada kasoo horjeeda Jacob Zuma.

Xildhibaanada ayaa goortii uu Madaxweynaha u istaagay Khudbada ku dhaqaaqay buuq iyo sawaxan islamarkaana Madaxweyne Jacob dhaleeceeyay, waxa ayna ku tuur-tuureen Kabo ay xirnaayen.

Buuq iyo Jahwareer ayaa Hareeyay Baarlamaanka Dalka Koonfur Afrika, halkaasoo Xubnaha Xisbiga Mucaaradka ay qal-qal geliyeen Khudbad uu jeedinayay Madaxweynaha Koonfur Afrika, Zuma.

Xildhbaannada mucaaradka Garabka-bidix ee xisbiga Eff ayaa waxay dalbadeen in hadal ay jeediyaan; waxayna bilaabeen dhaleecayn ka dhan ah Madaxweyne Jacob Zuma, iyadoo wixii xilligaas ka dambeeyay uu buuq badan dhashay.
Zuma1

Zuma2

Zuma3

Zuma4

Zuma5

- Advertisement -

Read more

Local News