Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo uu maanta wasiirka amniga gudaha ee DFS C/risaaq Cumar uu hortagay Baarlamaanka Somalia ayaa waxa uu halkaasi Su’aalo uga jawaabay Xildhibaanada Baarlamaanka oo u yeeray.
Wasiirka oo wax laga weydiiyay cida laheyd amarka lagu baaraayo Xildhibaanada Baarlamaanka xiliyada ay safrayaan, ayaa waxa uu Wasiir C/risaaq iska fogeeyay tuhunka la xiriira in isaga uu lahaa amarkaasi.
Wasiir C/risaaq waxa uu sheegay in marnaba uusan ku fakarin faragalin uu ku sameeyo Xasaanada Xildhibaanka, balse waxa uu Baarlamaanka u soo jeediyay in baaritaano dheeraad ah lagu sameeyo cidii laheyd amarkaasi.
Wasiirku waxa uu sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwa been abuur ah isla markaana aysan raali ka ahayn in lagu xad gudbo Xasaanada Xildhibaanada qaranka.
Sidoo kale, Wasiirku waxa uu iska fogeeyay in arrimaha noocaasi ah uu kala hadlay Taliyayaasha Hay’adaha amaanka, balse waxa uu cadeeyay in muranka ka dhashay baaritaanada lagu hayo Xildhibaanada uu ka maqlay warbaahinta.
Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in qorshooyin badan ay u dajiyeen xasilinta amaanka magaalada Muqdisho, balse ay dhawaan soo bandhigi doonaan waxa uu xinbaarsan yahay qorshahaasi.
Haddalka uu Wasiir C/risaaq ka jeediyay Baarlamaanka ayaa u muuqanaayay mid uusan lug ku laheyn amarka lagu baaraayo Xildhibaanada, inkastoo aan la ogeyn waxa u qarsoon.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]