Axmed Fiqi oo la yaabay tallaabadii BOORSAANI

Muqdisho (Caasimada Online) – Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah siyaasiyiinta sida weyn u dhaliilsan dowlada Soomaaliya kana mid ah masuuliyiinta xisbiyada dalka ayaa si yaab leh kaga hadlay fujinta boorarka ku qoran luqadaha qalaad oo maalmahaan Muqdisho ka socotay.

Fiqi, wuxuu fariin u diray dowlada hoose ee Muqdisho, isaga oo sheegay iney jiraan shaqooyin kale oo badan oo hortaala dowlada Hoose ee Xamar kuwaasi oo wax ka qabasho u baahan halkii howlo kale lagu mashquuli lahaa.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayuu sheegay iney macno ugu fadhido inuu shaqo ka dhigto fujinta boorar wax lagu xayaysiinayo iyadoo aysan jirin nadaafad buuxda oo ka jirto Muqdisho iyo dhismaha laamiyada burbursan.

“Waxey u muuqataa falaad iyo is-muujin aan macno ku fadhin in dawladda hoose iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ay shaqo ka dhigtaan fujinta tabeelooyinka luqadaha kale ku qoran ee ganacsatadu dukumaadooda ku hor dhagsadeen…mana jirto sharci u baneynaya guddoomiyaha gobolka inuu ku dhaqaaqo burburin noocaas ah, waxaa laga sugayey guddoomiyaha inuu wax dhiso ee lagama sugeyn wax burburin aan sharci aheyn inuu hawshiisa ka bilaabo.”

“Waxaa haboon guddoomiyuhu inta aysan indhihiisu qaban tabeelooyinka dhulka ka sareeya 5 mitir, inuu dhulka hoose eego waxna ka qabto? waddo burbursan, qashin, mudgi habeenkii ah, raashin iyo daawo dhacdey “ayuu kusoo qoray Facebook-giisa.

Dowlada Hoose ee Xamar ayaa burburinta tabeelooyinka ay ku qoran yihiin afka qalaad ka bilowday magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com