Sawirro: PUNTLAND oo qabsatay doonyo hub ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiisha iyo Cidamada badda maamulka Puntland ayaa soo bandhigay doonyo iyo Hub oo lagu soo qabtay Howlgal ay ka sameeyen Xeebta Ceelaayo.

Doonyaha gacanta lagu dhigay ayaa siday Hub, Shidaal iyo agab kale waxaana Doonyaha lala qabtay dhalinyaradii waday kuwaasi oo sidoo kale ka shaqeynaayay daabulida Tahriibka.

Taliyaha ciidamada bada Puntland Admiraal Cabdirisaaq Diiriye Faarax ayaa sheegay in Agabka ay soo bandhigeen uu ka kooban yahay 3 doomood, 6 matoor iyo Afar qori.

Diiriye waxa uu sheegay in Ciidamadu ay wali baaritaan ku hayaan Hubka ay siday doonta iyo halka ay u waday, waxa uuna Admiraal Cabdirisaaq tilmaamay inay uga shakisan yihiin in doonida ay leeyihiin Burcad-badeed.

Xiliga gacanta lagu dhigaayay Doonyaha ayaa siday Tahriib tiro ahaan lagu sheegay 300 kuwaasi oo kusii jeeday dalka Yemen, xili uu dalkaasi yahay mid burbursan.
4

5

6

7

8

9

10

11

12

1

2

3