25.5 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Xaalada garoonka diyaaradaha ee Hargeysa oo…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa garoonka Hargeysa ee maamulka Somaliland la geeyay Ciidamo aad u farabadan kuwaasi oo laga soo kala xulay Gobolada maamulka.

Wararku waxa ay sheegayaan in la bedelay Ciidamadii horay uga howlgali jiray Garoonka kuwaasi oo la sheegay inaysan horay u heysan tababaro muujin kara ka hortaga cilad amni oo ku imaada Garoonka.

Maamulka Garoonka waxa uu sheegay in isbedelada la sameeyay ay muujinayaan in faajignaan buuxa ay kaga jiraan in diyaaradaha lala raaco aaladaha qarxa, maadaama diyaarada Daallo qarax loo adeegsaday Labtop laga geystay muddo lago joogo 15 maalin.

Ciidamada cusub ee la geeyay garoonka ayaa Dadka ku amraaya iney maraan qalabka lagu ogaanayo waxyaabaha qofka uu wato, waxaana lagu amraa iney siibaan suunka, Kabaha iyo wax walbaa oo ka dhawaajinaya qalabka garoomada yaalo oo dadka ay dhex maraan.

Tani waxa ay muujineysaa in mar waliba ay suuragal tahay in weeraro argagixiso ay ka dhacaan Garoomada duulimaadyada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News