Somalia dowlad ma leedahay?: Eeg qodobadan!

Waa su’aal dadka qaar ay la yaabi doonaan waayoo magac dowlad waa jiraa laakin dadka fulinta u xilsaaran ma yihiin dad qaba ama dareemi kara mas’uuliyada ay xambaarsan yihiin iyo heerka ay gaarsiisan tahay. Dowlad dambe dalkaan kama dhalan doonto sidaan mar hore u saadiliyay. Sababtana waxay tahay dadka maanta xilalka ka haaya, ha ahaadeen barlamaan, gole wasiiro iyo ku xigeenadooda iyo kuwa hogaamiya maamul goboleedyada qaarkood,boqolkiiba konton 50% waxay ka shaqeynayaan in dalkaanu baabao, caasimadana lagu kala guuro, maxaa yeelay waxaa ka muuqda saansaan horumar lagu sheegi karo,laakin qaswadayaasha aan soo xusnay aysan raalli ka aheyn.

Dowladdu yey dantooda ilaalisaa? Yey u maqan tahay? Waxay illaabeen dhaarta ay maraan markey xilka qabanayaan qaarkood ama badankooda waxay aaminsan yihiin in dhaartu tahay tallaabo ka mida sharciyenta xilka uu qofku qabanaayo oon u baahneyn in mar kale la xasuusto, waana wax la iska illaabo markey dhammaato xafladda dhaarta. Inaysan dalkaan dowlad ka jirin waxaa markhaati ka ah qodobada soo socda:

DALALKA KHALIIJKA CARABTA

Dalka Sacuudiga oo ah meesha ugu badan ay Somalidu aado waxaa ka jira dhibaatooyin aad u xun-xun oo heysta ummaddi meesha u haajirtay. Madaxweyne Xasan Sheikh dhowr jeer ayuu socdaalo ku tegay si fiicanna loo soo dhaweeyay, wax kastana diyaar loola ahaa oo lagu yiri yuusan afkaaga ku ciilin. Wuxuu ka wehsaday ama ka gaabsaday, sida ay ku eedeeyeen jaaliyadda meesha ku nool, inuusan marna kala hadlin dowladda Sacuudiga dhibaatada heysata umadiisa oo xabsiyada ka buuxa iyadoo weliba si xun loola dhaqmo siiba hooyooyinka iyo carruurta.

Dalka Qatar oo xariir fiican la leh dowladda Somaliya ilaa maanta baasaboor Somali ah laguma geli karo dalkaas waana muddo ka badan 10 sano..ninki Iqaama ka hela dalkaas waa inuu radsadaa baasaboor Itoobiyan ah oo ay dowladda Qatar u aqoonsan tahay mid sharci ah…wixi xukuumado iska beddelay dalka Somaliya ma jirto dowlad kala hadashay Qatar arrimahaan. Imaaraatka Carabta oo isku sheegta inay saaxiib nala tahay, meelo badanna naga kaalmeysa, ma ogola in baasaboor Somali ah oo Iqaama ku leh dalalka Khaliijka inuu soo galo Imaaraatka ..dowlad kala hadashayna ma jirto. War aaway dowladdi dadkaan danahooda u gurman lahayd mase waxay dowladnima u fahmeen inay magaca xambaarsadaan danaha dadkana aysan wax shaqo ah ku lahayan.

Dadka dibadaha jooga ama loo yaqaanno ”diaspora” waa kuwa dalka soo geliya lacagaha culus ( hard currency) oo caalamka seddaxaad aad u raadiyaan inay dibadaha u diraan shaqaale fara badan si ay u helaan dhaqaalaha culus. Bal tusaale u soo qaado dowladaha Hindiya, Pakistan, SriLanka, Bangladsesh, Filibiin, Masar iyo qaar kale oo u badan qaarada aasiya, waxay ku nool yihiin dhaqalaha ka soo gala shaqaalahooda dibadaha ka jira. Annagana siyaasiyiinta dalka taladiisa ku hardamaaya waxay u badan yihyiin dad ka yimid ”diaspora” laakin, nasiib darro, aan dareensaneyn ahamiyada ay leedahay in shaqaale badan dibadaha loo diro loona sameeyo maamul arrimahooda la socda.

Siyaasiyiinti qaar ayaa sheeganaya inay soo barteen dhaqaale oo qaat ay ku andacoonayaan inay Jaamicad ka dhigi jireen cilmiga dhaqaalaha…waa beentood, meel dhaqaale looga hadlayana weligood ma tegin, haddey tageena ma fahmin mana garan waxa sheegayo. Waxaan hadda ka hor soo jeediyay in la abuuro Wasaarad lagu magacaabo QURBAJOOGTA oo arrimahaas kormeerta, lana socda baahida ay qabaan dadkaas, howl-fududeynta ay dowladdu u sameyn karto, dhibaatooyinka heystana xal u raadin karta. Miisaaniyada wasaaradaas waxaa laga qaadi karaa qurbajoogta oo dhan oo diyaar la ah wixi danahooda lagu taakuleynayo, waana arrin aan gacan weyn ka geysan karo haddii la helo dowlad diyaar u ah inay maqasho ama qaadato wixi ra’ayi ah oo dalka dantiisu ku jirto.

Waxaa talo iga ahaa in howshaan loo xilsaaro nin aad iyo aad aqoon u leh, aan marna looga baqeyn inuu qabiil u hiiliyo ama hadafka mihnadaan looga baqeyn inuu garab maro, waa Xildhibaan Max/ed CUMAR DALXA. Anigu qof ahaan aqoon uma lihi weligeyna lama kulmin laakin waxaa dad badan oon ka mid ahay la dhacsan yihiin dhaqankiisa iyo wadaninnimadiisa iyo isagoo weliba howshaan qaarkeed horey u soo qabtay iyadoon loo xilsaarin, kaddib markuu dad aad u fara badan uu ka sii daayay xabsiyo ay ku jireen.

WADAMADA SCNADINEVIAN

Wadamada Sweden, Denmark iyo Nowray waa hakiyeen sharciyadi la sii jiray Somaalida muddo sannad ku dhaw, sababtuna waxay tahay, sida leysla dhex maraayo, in Madaxweyne Xasan Sheikh uu ku imaan doono docdaal Sweden, waxaana la saadaalinayaa in laga dhammeyn doono inuu oggolaado in Somalida dib loogu celiyo dalkooda, maadaama arrinti amniga ay hadda soo wanaagsanaaneyso. Tallaabo noocaas ah waxaa mar dhaw fuliyay Jeneraal Gaafow oo Denmark ka soo celiyay afar dhallinyaro ah oo sharci loo diiday…waryaa u fasaxay inuu dad sharci doon ah uu dalka ku soo celiyo isagoo dantiisu tahay inuu xogaa fara-qabsi ka helo, wuxuuna ballan-qaaday inuu abuuri doono fursado shaqo oo dhallinyarada lagu meeleeyo..xaguu ka kenay awoodaa!!!.Wixi la siin lahaa dadkaas la dhoofiyay uu isagu qaatay, sida la sheegay.

Ma qiyaasi karyaa Gaafow ama masu’uliinta kale ee dowladda, dhibaatada ay mareen dhalinyaradaas markey Yurub u safraayeen oo qaarkood reerahoodi ay iibiyeen wixi ay hanti lahaayeen si ay ugu dhoofiyaan carruurtooda…haddey geeridi ka badbaadeen yaa Gaafow ka badbaadihaaya. Waa sarkaalka aan cidina aqoon u lahayn shaqadiisa waxa ay tahay..waa in loo sameeyaa (Job Description) si fowdada maanta ka jirta Immigration-ka Somaliya looga badbaadiyo shartiisa ummadda, gudaha iyo dibaddaba..

Madaxweyne Xasan Sheikh waxaan ka codsaneynaa inuu ka dalbado dowladda Sweden iyo wadamada deriska la ah inay sharci siiyaan dadka ku dhaqan dalalkooda, waayoo sanadki la soo dhaafay 2015 waxay Sweden sharci la siisay 80 kun oo qaxooti ah una badan Siiriyaan. Somalida ku sharci la’ dalkana waxaa lagu qiyaasay ilaa kun ruux oon aqaanin meel ay aadaan. Haddii aadan waxba u qaban karin ha ku naqanin sidi Nuurul Maaliki oo dad Ciraaq u dhashay oo qaatay baasaboorki dalka Holand weydiistay in dib loogu soo celiyo, waayoo waxay u badnaayeen Sunniyiinta si loo xalaaleysto hantidi ay lahaayeen oo ay Shiicadi sharci darro kula wareegtay iyagina badankood laga takhalusay.

Magaalada Muqdihso waxaa ku nool dhallinyaro lagu qiyaasay 1,7 milion oon wax shaqo ah heynin, qaar badan oo ka mid ahna ay jaamicadihi ka bexeen, laakin ay shaqa la’aani ku heyso magaalada.     Kuwa dibadaha jooga haddii la celiyo, ma yaqaaniin meel ay wax ka billaabaan , waayoo nolol kama horreyso. Haddii ay wadamadaan sii joogaan waxay heli karaan rajo ama fursado in meel uun wax ka helaan ay noolaadaan, lagana yaabo qaarkood inay dalki wax weyn u taraan haddey helaan dowwlad danahooda dusha iska saarta oo u raadisa nolol dhaanta tan ka jirta dalkeeni.

W/Q: Axmad Calasow

bashaar10@outlook.com