26 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Daawo sawirrada: Khasaaraha qaraxii ANKARA

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa habeenimadii xalay uu Qarax culus ka dhacay magaalada Ankara ee Caasimada dalka Turkiga.

Qaraxa oo lala eegtay Kolonyo gaadiid Dagaal oo ay la socdeen ciidamada Milliteriga dalkaasi, ayaa waxa uu Khasaaro xoogan kasoo gaaray dad shacab ah.

Qaraxa ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay ilaa 28 ruux oo u badnaa dad shacab ah, kuwaasi oo isugu jiray kuwa goobta Qaraxa ku ganacsanaayay, kuwa gaadiid ku sugaayay iyo kuwo kale oo halkaasi ku fiidsanaayay.

Dhaawaca ka dhashay Qaraxaasi ayaa waxa uu iminka marayaa ilaa 63 kuwaasi oo la dhigay xarumaha caafimaadka.

Qaraxa ayaa dib u dhigay socdaal uu Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ku tagi lahaa dalka dibadiisa, kadib markii uu ku dhawaaqay in Dowladiisu aysan munaasab u arag in xiligaani murugada badan uu safar kaga baxo dalka.

Fulinta weerarka ayaa waxaa looga shakisan yahay kooxda la mamnuucay ee dhaqdhaqaaqa gooni u goosadka Kurdiyiinta ee PKK.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16

17

18

19

20

21

22

23

24

25

26

27

28

29

- Advertisement -

Read more

Local News