Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo aan la garaneynin waxa ay yihiin ayaa weerar ku qaaday mid ah Goobaha ay Shacabku iska Diiwaan-galinayaan oo ku taalla Degmada Lugahaya ee Gobolka Awdal.
Kooxaha weerarka ku qaaday Goobtaasi ayaa watay gawaari waxa ayna rasaas ooda uga qaaden goobta oo xiligaasi ay ku sugnaayen mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulka Somaliland iyo dad shacaba ah.
Xarunta la weeraray ayaa ku taalla deegaanka Saba-wanaag oo Degmada Lughaya ka tirsan, waxaana jira warar sheegaya in halkaasi ay waxyeelo kusoo gaartay qaar kamid ahaa dadka is diiwaangalinaayay.
Kooxda ayaa sidoo kale, rasaas ku burburiyay gaadiid ay lahaayeen Komishanka Doorashooyinka maamulka Somaliland iyo Gaadiid ay lahaayeen dad kale oo Shacab ah, kuwaasoo tiradooda lagu sheegay afar gaari.
Sidoo kale, Kooxaha weerarka qaaday ayaa xarunta gudaha u galay waxa ayna halkaasi kala baxeen agabkii lagu hayay howsha diiwaangalinta ee lagu shaqaynayay.
Maamulka Somaliland iyo kan Deegaanka ayaa si wada jir ah u sheegay inay ku howlan yihiin baadi-goobka ragga falkaasi ka danbeeyay waxa ayna sidoo kale sheegen hal Koox qura ay weerarkaasi uga shakisan yihiin.
Weerarkaan ayaa noqonaya kii ugu Horreeyay oo kooxo Hubaysan ay ku Qaadaan deegaanka Saba-wanaag oo Degmada Lughaya ka tirsan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]