Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa sheegay iney gacanta ku dhigeen shaqsigii ka dambeeyay qaraxii lagu xiray wasiirka arimaha bulshada ee Jubbaland, kaasi oo fashilmay markii gaariga uu qarxay xili wasiirka uusan la socon.
Ruuxa la qabtay ayaa la sheegay inuu kamid ahaa ciidamada amaanka ee maamulka Jubbaland uuna la shaqeynayay shaqsiyaadka ka dambeeyay falka qaraxa loogu xiray gaari wasiir ka tirsan Jubbaland.
Ciidamada Nabad sugida maamulka Jubbaland, saraakiil u hadashay ayaa sheegay in ruuxa ay soo bandhigeen macluumaad dheer kadib gacanta lagu soo dhigay.
Dhankiisa askariga lasoo qabtay oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in qaraxa wasiirka uu gaariga ugu xiray uu ku qaadan rabay inka badan 10 kun oo doolar, balse sida qorshaha uu ahaa ma aysan dhicin.
Baaritaano kale oo ay wadaan ciidamada Jubbaland ayaa lagu sheegay in lagu raadjoogo shaqsiyaad kale oo aad loogu tuhmayo iney falkaasi ku lug lahaayeen.
Qaraxa wasiirka arimaha bulshada gaarigiisa loogu xiray waxaa fashilisay gabar guriiga ku sugneyd oo maqashay siday sheegtay kooxda falka waday oo teleefoon ku hadlay maadaama ruuxa la qabtay uu kamid ahaa ilaalada wasiirka.
Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

