Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow kasoo baxay Dowlada Somalia ayaa waxaa looga hadlay Bahdilkii Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ay Dowlada Kenya kula kacday xili uu ku sugnaa Garoonka Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi.
War qoraal ah oo kasoo baxay Xukuumada ayaa waxaa Dowlada Kenya looga dalbaday inay jawaab ka bixiso waxa sababay in Wafdi heer sare ah oo ka tirsan DFS ay bahdil ceynkaasi ah ugu geysato mid kamid ah Garoomadeeda.
Warbixinta ayaa waxaa lagu sheegay in Dowlada Somalia ay dhacdadaasi u qaadan doonto mid lagu xumeynaayo xiriirka Somalia kala dhexeeya Dowlada Kenya, waa haddii aan jawaab waafi ah laga bixin fariinta Xukuumada Somalia kasoo baxday.
Qoraalka ayaa sidoo kale, lagu sheegay in Ra’isul wasaaraha iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirada ay heleen soo dhoweyn heer sare ah (VIP Reception), balse taasi ay barbar soctay Bahdil Siyaasadeysan oo ay Kenya kula dhaqantay Wafdiga.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtey in iyaga iyo dowladda Kenya, horay u kala saxiixdeen heshiis is-faham (MOU), kaasi oo dhigayay in xubnaha sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xildhibaanada Baarlamaanka inay helaan ogolaansho dal ku gal waqti kasta (issuance of visas on arrival) mar kasta oo ay u safraan dalka Kenya, iyada oon dib u dhac laheyn, waxaase nasiib darro ah in dowladda Kenya ay jebisay heshiiskaasi.
Ugu danbeyntii Dowladda Soomaaliya ayaa cudur-daar rasmi ah ka dalbatey Dowladda Kenya iyo faah faahin la xiriirta dhacdadaasi iyo sababta keentay xanibaada wafdi heerkiisu sareeyo oo uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

