28.1 C
Mogadishu
Tuesday, May 5, 2026

Kenya oo ka hadashay sababta ay CC u xayirtay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Wasaarada arimaha dibada Kenya ayaa si yaab leh kaga hadashay xanibaadii muddada kooban lagu sameeyay wafdiga uu hogaaminayay ra’iisul wasaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali.

Qoraal kooban oo kasoo baxay wasaarada arimaha dibada Kenya ayaa lagu sheegay in qaladka lagu xanibay wafdiga dowlada Soomaaliya uusan ka imaan dhanka dowlada Kenya balse uu ka yimid dhanka dowlada Kenya.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in wafdiga ra’iisul wasaaraha Soomaaliya laga doonayay iney maraan garoonka diyaaradaha ee degmada Wajeer balse aysan dhicin, sidaasi daraadeedna shaki darted loo xayiray.

Wafdiga ayaa loo ogolaan muddo daqiiqado badan iney ka baxaan garoonka diyaarada JKIA ee dalka Kenya.

“Diyaarada ay la socdeen wafdiga Ra’iisulwasaraha Soomaaliya,waxaa lasiiyey,digniin casaan ah,taas oo loogu sheegay in ay ayna ka dagin garoonka diyaaradha ee JKIA,Maadaama ayna soo marin garoonka diyaaradaha ee Magaalada Wajer”

“waxaana loo sheegay in uuna jirin wax xiriira ah oo ay la soo samaysay garoonka diyaaradaha ee Jomma Kenyatta,qaybta amaanka garoonkuna ay cadaysay in diyaaradaas ayna wax xiriir la lahayn”ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowlada Kenya.

Dowlada Kenya ayaa markii dambe u ogolaatay wafdiga ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iney kasii duulaan dalka Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News