Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maanta oo Talaado ah uu magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ka furmo shir looga hadlaayo arrimaha Somalia kaasi oo ay kuwada dhanyihiin Dowlada Somalia iyo Maamulada dalka.
Shirka oo dhinacyo badan looga wada hadli doono ayaa waxaa intiisa badan diirada lagu saarayaa ka mirro dhalintay News Deal oo muddo badan soo jiitamaayay.
Shirka ayaa waxaa lagu wadaa inuu noqon doono Madasha u sareysa ee lagu go’aaminayo aayaha Somalia, kaas oo si wada jir ah ay usoo qaban qaabiyeen QM iyo DFS.
Shirka ayaa waxa uu sidoo kale noqon doonaa kii 6-aad ee ku saabsan arrimaha New Deal, waxaana sidoo kale barbar socon doona wada heshiisiin loo sameyn doono Madaxda DF iyo kuwa Maamulada dalka oo dhawaanahaani ku kala aragti duwanaa habka loo daadihin lahaa Siyaasada Somalia.
Sidoo kale, waxaa lagu wadaa in shirka ay si wada jir ah u shir gudoomin doonaan Madaxweynayaasha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, Turkiga Erdogan iyo ku-xigeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Jan Eliasson, iyadoona gabagabada shirka laga soo saari doono Natiijo dhaxal gal u ah Somalia.
Mudada uu shirka socdo ayaa waxaa sidoo kale lagu dhex furi doonaa Barnaamijka maalgashiga Somalia, iyadoona ay goobjoog ka noqon doonaan Ganacsato heer caalami ah oo lagu marti galiyay shirka.
Geesta kale, waxaa magaalada Istanbul iminka xaadir ku ah Madaxda uu khuseeyay shirka, kuwaasi oo la filaayo in halkaasi ay ka jeedin doonaan Khudbado wax tar u leh Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

